Heemaal News Network
Soomaaliya

Itoobiya Oo ku Dhawaaqday Waqtiga la Qabanayo Doorasho Guud Oo ka Dhacda Dalkaasi.

Xisbiga xukuma dowlada Ethiopia ee EPRDF ayaa ku dhowaaqay in sanadka soo socda doorasho guud ay ka dhici doonto dalkaasi.

Getachew Reda oo ka mid ah golaha fulinta ee xisbiga maamula dalka Ethiopia ayaa sheegay inay soo ssaareen go’aan ah in la qabto doorasho guud sanadka 2020.

Go’aankan ayaa meesha ka saaraya shaki laga qabay in dowlada Ethiopia ay awoodi karto in la qabto doorasho guud kadib qalqal dhinaca siyaasada iyo ammaanka ee soo wajahay dalka ku yaal Bariga Afrika.

Afgambi dhicisoobay oo ka dhacay bishii June gobolka Amxaarada ayaa dhaliyay shaki ah in ammaanka uu sugi karo xisbiga xukuma dalka Ethiopia iyadoo ay sii socdaan khilaaf dhinaca qowmiyadaha u dhexeeya oo ka jira gudaha dalkaas.

Hase yeeshee xisbiyada mucaaradka dalka Ethiopia ayaa hore uga digey in dib u dhac uu ku yimaado xilliga doorashada dalka inkastoo dad ka badan labao malyan oo ruux ay ku barakaceen gudaha dalkaas sababo la xiriira ammaan darri.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More