Heemaal News Network
Soomaaliya

Itoobiya Oo kulan Is-arag ah U Qabatay Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay kulan siisay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Labadda Madaxweyne iyo xubno ka socda labadda dhinac ayaa kulanka ku sugan, waxaana lagu sheegay in kulankaan uu yahay is aragti sidda ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya.

Waa Markii ugu horreysay oo ay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi tan iyo markii la doortay.

Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhowr jeer yeeshay kulamo kala duwan oo kala dhacay London iyo Turkiga yeeshay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More