Wasiirka biyaha,waraabka iyo tamarta Itoobiya ayaa ka dalbatay dawladaha Suudaan iyo Masar inay soo magacaabaan khuburro ka shaqeyn doono sidii la isku weedaarsan lahaa xogta ku saabsan biyo xireenka Itoobiya kaas oo uu muran badan ka dhashay.
Kuburada Xog Ururinta ee ay delbatay Itoobiya ayaa ku saabsan sidii looga hadli lahaa ka hor tallaabada markii labaad ay Itoobiya ku buuxineyso biyo xireenka xilli roobabka la filayo inay ka da’aan halkaas, sida ay sheegtay Itoobiya.
Arrintani ayaa imaaneysaa xilli wadahadalladii u dambeeyay ee ku saabsanaa muranka ka dhashay biyaha webiga Nile ee u dhexeeyay Itoobiya, Masar iyo Suudaan uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday.