Itoobiya Oo Maxkamad soo Taagaysa Rag ku Eedeysana Dilkii Fanaan Caan ahaa Ee ka Dhacay Adiss.

Xukuumada Addis Ababa ayaa dacwado argagaxiso ku soo oogtay afar tuhmane oo loo haysto dilkii fanaan caan ahaa oo kasoo jeeda Itoobiya, taas oo kicisay mudaaharaadyo ay ku dhinteen in ka badan 178 qof, Sida uu sheegay afhayeen u hadlay xeer ilaaliyaha guud.

Dilkii bishii Juun ee Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa muusikiiste ay qadarin jireen qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya, ayaa rabshado maalmo socday ka qarxiyay magaalada Addis Ababa iyo gobolka ku xeeran ee Oromada.

Dibadbaxyada ka dib in ka badan 9,000 oo qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin, dhaqdhaqaaqayaal iyo saxafiyiin ayaa la xiray.

Toddobaadkii hore 2,000 oo qof ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira rabshadaha, Kuwaas waxaa ka mid ahaa maalqabeen caan ah oo xagga warbaahinta ah iyo siyaasiga mucaaradka Oromada Jawar Mohammed, oo lagu soo oogay inuu ku xadgudbay Mabaadii’da argagixisa la dagaallanka iyo khayaano dhanka isgaarsiinta ah,

Warbaahinta dowladda ay maamusho ayaa sheegtay shakhsiyaad loo haysto argagixisanimo iyo tuhmanayaal kale in wali gacanta lagu hayo, si ay u abuuraan fowdo iyo meesha in ay ka saaraan dowlada.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy