Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in askarta ay toogteen koox katirsan Qaramada Midoobay oo gaari ku dhex marayay waqooyiga wadankaas oo ay ciidanku kula dagaalamayeen xoogaga Tigreega.
Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ku eedeyay iney soo galeen aag aan loogu talagelin.
Wuxuu ku eedeeyay inay si toos ah u dhex mareen laba bar kontorool inta aan la xirin. Qaramada Midoobay ayaan ilaa haatan wax jawaab ah ka bixin dhacdadii Axadda.
Kooxda ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayayeen inay gaaraan xero ay ku jiraan qaxootiga reer Eritrea ah.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in qaar kamid ah ay ku dhex go’doonsan yihiin dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa TPLF.
Waxaana soo baxaya warar sheegaya in qaxootiga lagu qasbay iney fuulaan gawaari xamuul ah ayna dib ugu laabteen Eritrea.
Xigasho BBC.