Heemaal News Network
somali

Itoobiya Oo Sameesaneysa Baro Bulsho Oo Ugaar ah.

Dowlada Itoobiya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku sameesato Baro bulsho oo iyada u gaar ah si ay uga maarmaan baraha bulshada reer Galbeedka oo ay ku eedeeyeen faragalin iyo xadgudub.

Saraakiil katirsan dowlada ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sameesashada baro bulsho si ay uga maarmaan baraha bulshada sida Facebook, Twitter iyo WhatsApp, waxa ayna Itoobiya ku eedeesay in barahan kasoo horjeedaan danaha Itoobiya.

Aggaasimaha wakaaladda amniga ee warfaafinta ee dowladda , Shumete Gizaw, ayaa sheegay in Itoobiya horumarineysom aalado bedeli kara barnaamijyada farriimaha la isugu diro ee WhatsApp-ka, iyo madasha muuqaalada tooska ee Zoom-ka.

Dowlada Itoobiya ayaa dhibsatay fariimo iyo warbixino lasoo dhigo baraha bulshada, waxa ayna Xukuumada Adis Ababa dhaleeceyn kala kulantay xanibaadyo ay saartay baro bulsho ay leeyihiin kooxo iyo shaqsiyaad.

Related posts

Mahdi Guuleed Oo La Kulmay Raysal Wasaaraha Qadar

Heemaall

Xiisad Mar kale kasoo Cusboonaatay Shiinaha iyo Taiwan.

Heemaall

Caalmka Oo Ka Gaashaamanaya Nooca Cusub Ee Covid 19 Oo Xoog U Fidaya

Heemaal