Heemaal News Network

Itoobiya Oo Shaacisay Inay Hub Farabadan ka Dhex-qabatay Magaalada Makale Ee Gobolka Tigrey.

Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in rasaas iyo hub badan ay ka heleen goobo ku yaala magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigray waqooyiga Itoobiya.

Hubkaan ayaa la sheegay in ay keydsadeen kooxda TPLF ee laga fara maroojiyay magaalada Mekelle 28 bishii naga idlaatay ee November.

Ciidanka ayaa sheegay in ay heleen 3 kunteynar oo ay ka buuxeen qoryo isugu jira AK-47,qoryaha shiish wanaaga ee meesha fog wax ka dila ee looyaqaan Snipers iyo garneylada gacanta.

Sidoo kale waxaa ay ciidanku sheegeen in ay qabteen rasaas xoog leh iyo dharka ciidanka TPLF iyo waliba kaararka aqoonsiga .

Ciidanka itoobiya ma sheegin cid ay hubkaan la xiriirinayaan oo ay qabteen

Related posts

Saameynta ka Dhalatay Dagaalka Xuduudda Ee Suudaan Iyo Itoobiya.

Heemaall

South Sudan Oo ka Hadashay 10 qof Oo ku Dhimatay Shil Diyaaradeed.

Heemaall

Abiy Ahmed Oo Shaaciyay In Ciidamadiisu ay Qabsadeen Galbeedka Gobolka Tigray

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More