Heemaal News Network

Itoobiya Oo Sheegatay Inay Guulo kasoo Hoysay Dagaalka ay Kula Jirto Gobalka Tigray

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka arimaha dibadda Demeke Mekonnen ayaa sheegay in howlgalka ka socda gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya laga sameynayo horumar dhaqso ah.

Badbaadada shacabka ayaa waxa uu sheegay in ay ahmiyada koowaad siinayaan inta lagu gudo jiro howlgalka.

Demeke Mekonnen wuxuu tilmaamay in dowladu gargaar bani’aadanimo ka wado meelaha laga xoreeyay ciidamada TPLF ee gobalkaas.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyada oo Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha gargaarka walaaca ka qabaan xaalada dadka rayidka ah ee ku nool gobalka tigreega .

Waxaa jira eedeymo sheegaya in gabood falo dagaal ay ka dhaceen galbeedka Tigray oo dad shacab ah lagu laayay.

Dagaalka ka socda waqooyiga Ethiopia oo galay maalinkii 12-Aad waxaa uu sababay barakac xoog leh .

Dalka Sudan Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in maalinkii ay gaaraan dad ku dhow 4,000 oo colaada ka baxsanaya.

Related posts

Mudaharaad Ka Dhan ah M/Puntin Lagu Taageerayo Mucaaridka Oo ka Socda Ruushka.(Sawirro)

Heemaall

Jaamacadda Carabta Oo Baaq Walaac Ka Soo Saartay Xaalada Soomaliya

Heemaal

Sacuudiga Oo ka Hadlay Diyaarado Weerar Bambaano kusoo Qaaday Oo la Bur-buriyay

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More