Heemaal News Network
somali

Itoobiya Oo TPLF ku Eedeysay Inay Dagaal kale Isku Diyaarineyso

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya Agenyahu Teshager ayaa fallaagada TPLF ku eedeyay ianay dagaal kale isku diyaarinayso, taasina ay muujineyso in TPLF ay dan ka lahayn noolosha shacabka labada dhinac.

Guddoomiyaha oo u warramay wakaaladda wararka ee Itoobiya ee ENA wuxuu sheegay fallaagada TPLF hadafkoodu inuu yahay ‘dalku haddey iyagu xukumin iney burburiyaan’.

‘Fallaagadu iney dagaal kale iisu diyaariyeen oo ay doonayan markale iney ku soo qaadaan deegaannada Amxaarada iyo Cafarta waxaa si weyn uga hadlay warbaahinta caalamka qaarkood,” ayuu yiri.

Wuxuuna guddoomiyuhu uu ugu baaqay dagaalka ay TPLF dooneyso dalka iney ku soo qaaddo Shucuubta iyo dowlad deegaannada dalkaba sidi ay uga hortagi lahaayeen iney u diyaar garoobaan.

Fallaagada TPLF waxay toddobaadki hore dagaal ku qaadday dalka Eritrea iyaga oo iska caabbin xooggan kala kulmaya ciidamada Eritrea.

Dagaalka Waqooyiga Itoobiya sanad iyo bar ka socda ayaa bilooyin taagnaa kaddib marki ay dowladda dhexe ay xabbad joojin ku dhawaaqday fallagadana ay xabbad joojintaasi ay soo dhaweeyeen.

Maamulka Deegaanka Amxaaradana wuxuu heegan geliyey ciidamada deegaankaasi, iyaga oo shacabkana ugu baaqay iney dagaalka dalka lagu difaacayo iisu diyaariyaan.

Related posts

M/Biixi Oo Kormeeray Xaalada Biriijka Hargeysa Oo Uu Daadku Waxyeeleeyay.

Heemaall

Madaxwaynaha Galmudug Oo la Kulmay Safiirka Itoobiya U Jooga Somaliya.

Heemaall

Mareykanka Oo Fariin U Diray Madaxda Dowladda Itoobiya Iyo Kooxda TPLF

Heemaall