Heemaal News Network

Itoobiya Oo Waaran Qabasho U Jartay 10 Sargaal Oo ka Tirsan Booliska

Booliska Federaalka Itoobiya ayaa soo saaray waaran qabasho ah 10 xubnood oo hore uga tirsanaan jiray gudiga booliiska Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Saraakiishaan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay galeen khiyaano qaran iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyagoo ka amar qaadanayay madaxda sare ee kooxda TPLF ee fadhigoodu yahay gobolka Tigray, sida lagu sheegay Warbixinta Booliska.

Waxaa sidoo kale Saraakiisha waaran soo qabashada ah loo jaray lagu Eedeeyay in si toos ah iyo si aan toos ahaynba uga qayb qaateen qorshooyinkii khatar ku ah nidaamka dastuurka & Amniga dalka Itoobiya.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay guddiga Booliska Federaalka Itoobiya , saraakiisha booliska ayaa Magacyadooda waxaa lagu kala sheegay.

1.Taliye Solomon Abrha Bisrat

2.Taliye Hailemariam Berhane G / Mariam

3 Ku-xigeenka Kormeeraha Kibrom Gebru G / Egziabher

4 Kuxigeenka Isbatooraha Aregawi G / Hiwot Asfaw

5 Kaaliyaha Isbatooraha Geza’e G / Hiwot G / Silassie

6 Kaaliyaha Isbatooraha Tesfa Kiros Gidey

7 Kaaliyaha Kormeeraha Araya G / Anania Kidanu

8 Kaaliyaha Isbatoore Solomon Wolay W / Abzgi

9 Chief Sajin Hailay Woldu G / Mariam

10 Chief Sajin Haftu Kahsay

Related posts

Trump “Way Adag Tahay In La Qirto Guul Darro”

Heemaal

Somaliland Oo Si Adag Uga Hadashay Shirkii Somalia iyo Beesha Caalamka Dhex-maray.

Heemaall

Wasiiro Isku-casilay Jebinta Awaamiirta COVID 19 Dartiis.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More