Itoobiya Oo Xir-xirtay Saraakiil ka Tirsan Dawlada Oo Lagu Eedeeyay Dagaal Beeleed

Hay’adaha amniga dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay 45 xubnood oo ka tirsan xisbiga PP oo haya talada dalkaasi Itoobiya, kaddib markii lagu soo eedeeyey iney ku lug lahaayeen dagaallo beeleed dhawaan ka dhacay deegaanka Benishangul Gumuz.

Xisbiga PP wuxuu sheegay 10 ka mid ah xubnahaasi in maxkamad la soo taagay maaddaamaa ay ku guul darreysteen iney ka hortagaan dagaallada qowmiyadaha ku saleysan ee ay dadka ku dhinteen.

Waxaa sida oo kale xilka laga qaaday taliyihii ciidamada gaarka ahaa Wogari Polino iyo Taliyaha booliska deegaankaasi Nega Jara .

Dagaalladaasi oo ka dhacay deegaanka Matakal ayaa la sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 100 qof halka ay kumannaan kalana ku barakaceen.

Dagaalka qowmiyadaha dhexmaray oo labo toddobaad socday ayaa lagu beegsanayey qowmiyadaha Amxaarada iyo Agaw oo intooda badan shaqa u tagay deegaankaasi Benishaangul-Gumuz.

Dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiyana gobolkaasi uu dhibku ka dhacay waxay ka howlgelisay ciidamo amniga sugo iyada oo maamulka gobolkaasi gabi ahaan ay ciidamada la wareegeen.

Shan degmo oo ka tirsan deegaanka Benishaangul ayaa amar ciidan lagu soo rogay.
Xigasho BBC

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy