Heemaal News Network

Itoobiya:-Xaaladda Caafimaad Ee Jawaar Maxamed Oo Laga Deyriyay.

Jawaar Maxamed oo ah siyaasi mucaarad ah oo ku xiran dalka Itoobiya ayaa laga deyriyay xaaladdiisa caafimaad kaddib markii in ka badan toddobaad uu ka soomay cuntada.

Qareenka Jowaar ayaa sheegay inuu wajahayo caafimaad darro kaddib cunto ka soomista uu ku dhaqaaqay.

Jawaar Maxamed, Bekele Gerba, Hamza Adane iyo Shemsadi Taha, ayaa dhammaantoodba maanta ku jiray gadood cunto ka soomid ah.

Maxkamadda ayaa oggolaatay in ay arkaan dhakhtar gaar ah oo aan ahayn dhakhaatiirta dowladda.

Markii la weydiiyay sida ay tahay xaaladda caafimaad ee Jawaar, ayuu Qareenkiisa Maxamed Jimma yidhi: “Si shakhsi ahaan ah waxaan u dareemay in Jawaar ay baahida si gaar ah u saameysay. Aad bay u daciifeen mana hadli karaan. Aad bay u xanuunsan yihiin.”

Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra’iisal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billawday 2016-kii.
Xigasho BBC

Related posts

Abiy Axmed Iyo Madaxweynaha Eritrea Oo Booqasho ka Tagay Koonfurta Suudaan

Heemaall

South Sudan Oo ka Hadashay 10 qof Oo ku Dhimatay Shil Diyaaradeed.

Heemaall

Somaliland Oo Maxkamad Ugu Hanjabay Ciyaartoy ka Qeyb-gashay Tartankii Maamul Goboleedyada.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More