Heemaal News Network
Caalamka

Jaamacadda Carabta Oo Duulaan Sharci-daro ah ku Tilmaantay Weerarka Turkiga Ee Suuriya.

Xoghayaha guud ee ururka jaamacadda carabta Ahmed Aboul Gheit ayaa ku tilmaamay hawlgalada Milatari ee Turkigu ka sameeyay Suuriya duulaan sharci daro ah oo lagu qaaday dal iyo dhul carbeed, xadgudubna ku ah jiritaanka iyo qaranimada Suuriya.

Gheit wuxuu sheegay in weerarka uu dhaliyay jahwareer hor leh iyo barakac, kuwaas oo khatar ku ah guulaha laga gaadhay dagaalkii kooxda ISIL

Suuriya ayaa ka mid ahayd 22ka dale e ku bahoobay ururka Jaamacada Carabta, waxase xubinimadeedaas laga saaray sanadkii 2011kii markii ay xukuumada Alasad ay xoog milatari u isticmaashay mudaharaadayaal dalbanayay isbedel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More