Heemaal News Network
Soomaaliya

Jabhada Korneel Caare Oo Saaka Weerar Ku Qaaday Magaalada Ceerigaabo

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaa saaka waabarigii laga maqalaayey rasaas xoogan oo ka dhacaysay saldhiga dhexe ee booliska magaaladaas.

Ilaa hadda lama oga khasaraaha dhabta ee ka dhashay dagaalkan.

Dadka magaalada ayaa sheegaya in ay weerar ku soo qaadeen saldhiga jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare, iyaga oo caabin xoogleh kala kulmay ciidankii ku sugnaa sladhiga, laguna khasbay in ay dib uga baxaan magaalada.

Weerarkan ayaa ahaa nooca loo yaqaan ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha caafimaadka iyo madaxda degmadaasi ilaa hadda oo sheegay khasaraha ka shashay.

Wixii war ah ee ka soo kordha waxaan ku soo dari doonaa wararka danbe ee ka baxaya wakaalada wararka ee Heemaal News maqal muqaal iyo qoraalba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More