Heemaal News Network
somali

Jabhada TPLF Oo Shaacisay Goobaha ay Weerari-doonaan Dhawaan.

Jabhadda TPLF ayaa sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxay ku tilmaameen cadowga.

Getachew Reda Afhayeenka TPLF ayaa sheegay in ujeedka go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee la soo dhaafay.

Wuxuu intaas ku daray in la furayo marinnada gargaarka balse ay weli ku raad-joogaan ciidamada cadowga sida uu yiri

TPLF waxay sheegtay in baacsanayaan ciidamada federaalka ee ka baxsaday magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadii Eritrea ee taageerayay militeriga Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Shire ay isaga baxeen halkaas, ayna si buuxda mar kale halkaas ugu gacan gashay TPLF

Ciidamada TPLF ayaa qabsaday shalay magaalada Mekelle, taasoo saraakiisha dowladda federaalka ku khasabtay in halkaas ay isaga cararaan.

Related posts

Somaliland Oo Qodobbo kasoo Saartay Adkaynta Amniga Iyo Arrimaha Geeska Afrika.(Akhriso)

Heemaall

Booliska Somaliya Oo Gacanta kusoo Dhigay Nin Dil Gaystay Iyo Kooxo Burcad ah.(Sawiro)

Heemaall

Farmaajo Oo ka Horyimid Go’aankii RW Rooble Dalka Uga Eryay Wakiilka Africa

Heemaall