Heemaal News Network
somali

Jabuuti: Dagaalka Itoobiya Khasaare Ayuu Na Galiey

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in dagaalka muddada sanadka ah ka socday dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya uu saameyn xooggan ku yeeshay dhaqaalaheeda.

In ka badan 90% badeecooyinka Itoobiya ayaa soo mara dekedda Jabuuti waxayna labada waddanba ku bixiyeen balaayiin doolar si ay u dhistaan waddo ganacsi oo uu ku jiro jidka tareenka.

Wasiirka maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh, ayaa BBC u sheegay in iskahorimaadyada dartii ganacsiga uu hoos u dhacay ilaa 20% waxa uu ahaa. Waxa uu sheegay in dalku uu khasaaray $1.7bn (£1.3bn).

Fallaagada Tigreega ayaa beryahan isku dayaysay inay qabsato magaalooyin ka tirsan gobolka Canfarta – tillaabadan ayaa u muuqata dadaal ay ku doonayso inay ku jarto xiriirka muhiimka ah ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Related posts

Barnaamijka Diiwaangelinta Codbixinta Ee Puntland Oo la Daahfuray.(Sawirro)

Heemaall

Jubbaland Oo Ka Qaylo Dhaamisay Abaar Ku Dhufatay

Heemaal

Turkiga Oo Wax Aan La Filaayn Ku Soo bandhigay Xafalada Teknofest Iyo Erdogon Oo Bogaadiyey

Heemaal