Heemaal News Network
Soomaaliya

Jabuuti Oo Is-hortaagtay Dhisme ay Somaliland ka Bilowday Xadka Lowyacado, Oo Xiisadi ka Dhalatay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalo xuduudeedka Lowyacado ayaa sheegaya in xiisad qarka u saran isku dhac labada dawladood ah ay halkaasi ka oogan tahay kadib markii ay dawlada Djibouti is hor taagtay dhime lagu kordhinayay laanta socdaalka Somaliland.

Joog-ooge ayaa shabakada u xaqiijiyay in xiisadu ka dhalatay dhisme markii hore ahaa waab balse ay Somaliland doonaysay inay ka dhisto mid dhagax ah, halka ay Djibouti kaga doodayso in dhimahaasi yahay sharci daro, meesha laga dhisayaana ay tahay lamadagaankii udhaxeeyay labada dal, xaqna anaay Somaliland u lahayn inay dhisato.

Badhasaabka gobolka Salal ayaa gaadhay Lowyacado isla markaana uu oojiyay dhismahii halkaas ka socday, isaga oo sheegay in uu amar ka sugayo dhinaca Hargaysa.

Xiisadan ayaa saamayn ku yeelatay isku socodkii xadka iyo noloshii dadka reer Lawyacado.

Siday doonto ha ahaatee, xidhiidhka maamulka Salal iyo Djibouti ayaa sii wiiqmaya tan iyo intii badhasaakan gobolkaas loo soo magacaabay, waxaba ay tan ku tusaysaa in uu maamulka Salal ku guul darastay in uu xidhiidh wanagaasan la yeesho saraakiisha dhinaca Xadka ee Djibouti, marka laga reebo amaro midi-midi ku taag ah oo uu qaado marka xiisadi aloosanto, isaga oo aan u tudhayn dadka shacabka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More