Heemaal News Network

Jahwareer ka Dhashay Isticmaalka Shilinka Oo Maanta ka Taagan Suuqyada Garoowe.

Waxaa maanta jah-wareer xooggan uu ka taagan yahay Suuqyada magaalada Garoowe kaasoo salka ku haya isticmaalka iyo socod-siinta Lacagta Shiling Soomaaliga ah, waxayna arrintani saamayn ku yeelatay nolosha danyarta magaalada ku nool

Goobaha Ganacsiga Garoowe iyo dukaannada ayaa diiday isticmaalka Shiling Soomaaliga, kadib markii sida ay sheegeen dowladdu diiday inay canshuurta ku qaaddo Shilinka, ayna ganacsatada ku soo rogtay iney dollar ku bixiyaan.

“Shilinka Soomaaliga maanta waxba waa ku iibsan kari waayay xitaa Rooti. sidoo kale koob shaah ah waan ka cabi waayay, waxaana la i dhahay: tani socon maysee Dollar ma haysaa” ayuu yiri mid ka mid ah dadka magaalada Garoowe.

Jahwareerkan ayaa saamayn ba’an ku yeeshay nolosha muruq-maalka iyo dadka kale ee danyarta ah, kuwaasoo aan haysan Lacagta Dollar-ka, si ay wax ugu iibsadaan.

Maamulka Puntland ayaan ka hadlin dhibaatada ku soo korodhay Suuqyada magaalada Garoowe ee sababtay in maanta qoysas badan ay dabka shidan waayaan.

Related posts

Jidadka Magaalada Muqdisho Oo Saaka Xiran

Heemaal

Milatariga Somaliya Oo Howlgal Qorsheesan ku Qabtay Ragii Dilay Saraakiishii Galmudug.

Heemaall

Wasiirka Uu sodogga U Yahay Erdogan Mxuu Isku Casilay?

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More