Heemaal News Network
Soomaaliya

Jarmalka Oo ku Dhawaaqay Inuu Joojiyay Hubkii Uu ka Iibin Jiray Turkiga.

Dawlada Jarmalka ayaa sheegtay inay mamnuucday qaar ka mid ah hubkii ay u dhoofin jirtay kana iibin jirtay dalka Jarmalka, waxana ay talaabadani jawaab u tahay Weerarada uu turkigu ku qaaday Waqooyiga Suuriya sida uu sheegay wargayka toddobaadlaha ah ee ka soo baxa Jarmalka ee Bild Am Sonntag (Bams).

Wasiirka Arimaha Dibada Jarmalka Heiko Maas ayaa yiri “anaga oo ka jawaabayna weerarkii millatari Turkiga ku qaaday woqooyi bari Syria, ma jiraan wax hub ah oo aan ka iibinayo Turkiga, heshiiskaas hubkana ma cusboonaysiinayo, fursadna uma siinayo Ankara inay naga hesho dhamaan qalabka ay isticmaalaan milatarigeedu ee Warshadaheena lagu sameeyo”, Wasiirka Arimaha Dibada Heiko Maas ayaa laga soo xigtay isagoo leh.

Jarmalka ayaa Turkiga u ka iibiyay hub qiimahiisu dhan yahay 243 milyan oo yuuro ($ 268m) sanadkii 2018, taas oo ka dhigan in ku dhow saddex-meelood meel dhammaan hubkii uu jarmalku dunida ka iibiyay, sida lagu sheegay warqadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More