Heemaal News Network
somali

Xildhibaan Jeesow “Ikraan Waxay Ku Maqan Tahay Gacanta NISA”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee ka soo jeeda Beesha Ikraan Tahliil Faarax ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

Jeesow oo wareysi siiyey Shabelle TV ayaa si weyn uga horyimid hadalka kasoo baxay Fahad, wuxuuna sheegay in sarkaalad NISA ay ku maqan tahay gacanta hay’adda NISA.

“Kiiska Ikraan Tahliil wuxuu ku maqan yahay Nabad Sugid waa la ogyahay. Qof isaga is difaacaayo iyo qof isaga wax iska fogeynaayo iyo qof isaga difaac ku jiro in wax laga weydiiyo ma’aha,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ikraan aysan helin baaritaan madax bannaan, ayna u baahan yihiin inay NISA shaaciso sida ay wax u dhaceen, gaar ahaan kiiska gabadhaas.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aan lagu qanci karin eedda uu soo jeediyey taliyihii hore ee NISA, wuxuuna sheegay in mar hore looga baahnaa tallaabada uu qaaday.

“Nimankan hadda ayey qabsadeen laguma eedeyn karo, haddii lagu eedeynaayo, iyaga oo mucaarad ah oo dhibaato ay geysteen maalintaas ayaa lagu maxkamadeyn lahaa oo magacyada sida hada loo shaaciyey loo sheegi lahaa” ayuu markale yiri Xildhibaan Jeesow.

Waxa kale oo uu raaciyey “Wuxuu leeyahay agaasimihii hore waxaa gabadha ay aheyd baaga muudo maya Ikraan baaga muudo ma aheyn 2 bilood ayey waddanka joogtay tabar iyo koorso ay iyaga u direen oo Jaamacad iyaga u direen lacagna ka bixiyeen ayey kasoo qalin-jabisay”.

Related posts

Shacabka Gabilay Oo Ka Hadlay Gudoonka Cusub Ee loo Doortay Xisbiga Wadani

Heemaall

Caaqil ku Baaqay In Maayarka Borama loo Doorto Prof Ridwaan.

Heemaall

“Guusha Isbahaysiga Mucaaridka Ayuuna Sheegan Maxamuud Xaashi” Siyaasi Ismaciil Yare

Heemaall