Heemaal News Network
somali

Jenaraal Odawaa Oo ku Faanay Inay Alshabaab ka Dileen Ku Dhawaad 100 Dagaalame.

Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa guulo ka sheegtay dagaalo culus oo muddooyinkii dambe ku dhexmarayay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Howlgalkan lagula dagaalamaayay dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab ayaa waxaa hoggaaminaayay Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Deegaanada aay dagaaladu ka dhaceen ee laga saaray gacanta Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah Wardhagax, Warciise, Galbashiir, Gaaleef, Jilable, Qoordheere, Galka Xaarey iyo Cali Fooldheere oo dhamaantood ah deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Jenaraal Odawaa Yuusuf oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay iney khasaaro xoogan aay u geysteen dagaalyahanada Al-shabaab oo aay ka dileen in ka badan 50 meeyo isugu jirta askar iyo Saraakiil, islamarkaana aay kasoo furteen hub iyo gaadiid dagaal.

“Howlgalka socday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ciidankeenu guulo muhiim ah ayuu ka gaaray jab badan ayaan u geysanay Shabaab askar 50 ka badan ayaan ka dilnay kuwana nolosha ayaan ku qabanay” ayuu yiri Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ciidanka ayaa intaasi ku daray in howlagalada lagula dagaalamayo Al-shabaab iney sii wadi doonaan inta aay ka saarayaan dhamaan deegaanada gobolka Sh/dhexe.

Related posts

Qareenada Somaliland Oo Ka Hadlay Go’aanka Maxkamad Sare ku Laashay Dacwadihii Musharaxiinta.

Heemaall

Farmaajo Oo la Kulmay Dhakhaatiirta ku Howlan la Tacaalida Covid 19.

Heemaall

CXDS Oo Burburiyey Saldhigyo Ay Lahaayeen Maleeshiyadda Alshabaab

Heemaal