Heemaal News Network
Soomaaliya

Jeneraal ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Goor-dhayd Lagu Dilay Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in Jeneraal ka tirsanaa ciidanka xooga dalka goor-dhawayd lagu dilay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Jen. Yuusuf Cali Khasaaye (Yuusuf Cagey) oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa la tilmaamay in lagu dilay meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla agagaarka Ex-Warshadii caanaha ee degmada Hodan.

Sidoo kale Kooxihii ka dambeeyay falkaasi dilka ah ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta, iyadoo warar iskhilaafsan ay ka soo baxayaan dilka Jeneraalka, kuwaasoo qaarkood sheegayaan in dilkiisa uu ka dambeeyey sarkaal kale oo ay murmeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay ka wada baaritaano, iyagoo halkaas kasoo qaaday maydka ganeraalka.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciianka dowladda oo ku aadan Dilka Goordhaweyd loo geystay General Yuusuf Ali Qasaay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More