Heemaal News Network

Jeneraal Xuud Oo Saakay ku Dhax Lugeeyay Baladweyne (Sawiro)

Waxaa saakay gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu dhax arkay Generaal Abuukar Xuud oo maalmihii lasoo dhaafay ciidamo badan oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabelle ku heestay duleedka magaalada Baladweyne.

Waxgaradka magaalada Baladweyne oo shalay duleedka magaaladaasi kula kulmay Generaal Xuud ayaa kala hadlay sidii xiisada loo qaboojin lahaa loogana hortagi lahaa in dagaal kale uu dhaco.

Jeneraal Xuud iyo xubno kale oo katirsan Jabhadiisa ayaa saakay tagay magaalada Baladweyne, waxaana la arkayay Jeneraalka oo ku dhax lugeenaya gudaha Baladweyne sidoo kale la sheekeesanaya shacabka magaaladaasi.

Waxa sidoo kale Jeneraal Xuud booqday isbitaalka magaalada Baladweyne halkaas oo lagu daweenayo qaar kamid ah jabhadiisa oo ku dhaawacmay dagaalkii shalay subax ka dhacay magaalada Baladweyne.

Waxgaradka magaalada Baladweyne oo shalay siyaabo kala duwan ula kulmay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya iyo Jeneraal Xuud ayaa ka shaqeeyay sidii xaalada loo dejin lahaa loogana hortagi lahaa iska hor imaad iyo banaan baxyo kale oo rabshado wata .

Jeneraal Abuukar Xuud oo maleeshiyo beeleed badan ku heesta duleedka magaalada Baladweyne ayaa si weyn uga soo horjeeda maamulka Hirshabelle gaar ahaan in Madaxweynaha maamulkaasi uu yimaado magaalada Baladweyne.

Related posts

Xildhibaan ka Tirsan Aqalka Wakiilada Maraykanka Oo ka Horyimid Go’aanka Trump Ee Somaliya.

Heemaall

Maamulaha Twitter-ka Oo Ka Hadlay Xanibaada Koontada Trump Ay Saartay Shirkadu

Heemaal

Isku-socodka Gaadiidka Ee Magaalada Boosaaso Oo la Hakiyay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More