Heemaal News Network
Caalamka

Jeremy Corbyn:- Waan Joojinayaa Hubka Sacuudiga Laga Iibiyo Haddaan Guulaysto

Hogaamiyaha ugu weyn xisbiyada mucaaradka UK Jeremy Corbyn ayaa sheegay in uu joojin doono hubka ay UK ka iibiso boqortooyada Sacuudiga oo dagaal kula jirta xuutiyiinta Yemen.

Mr Corbyn ayaa balan qaaday hadii xisbiga shaqaalaha uu ku guuleeysto doorashada guud ee ka dhaceysa UK uu gabi ahaanba meesha ka saari doono ganacsiga hubka ee kala dhaxeeya wadanka Sacuudiga.

Xilli uu khudbad la xiriirta ololaha doorashada dhaceysa ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay in uu ka shaqeyn doono joojinta dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda dalka Yemen.

Khudbada Jeremy Corbyn ayaa la xiriirtay oo kaliya siyaasada macaamilka arimaha dibada UK hadii uu xilka hanto doorashada 12-ka bishan ka dhaceysa UK.

Bishii June ee sanadkaan ayaa xisbiga haya talada ee Conservative-ka wuxuu sheegay in uu dib u cusbooneysiin doonin shatiga iibka hubka ee Sacuudiga kadib markii maxkamada sare ee UK ay ku tilmaantay iibka ceynkani oo kale mid aan sharci Aheyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More