Waxaa saaka xiran jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho xilli laga cabsi qabo dibadbaxyo ay qabtaan mucaaradka.
Ciidamada booliiska ayaa meel walba daadsan, waxaana la diiday isu socodka gaadiidka iyo xataa dadka meelaha qaar.
Goobaha aan la ogoleyn iney dadka socda u gudbaan waxaa ka mid ah jid cadayaasha gala xaafadda Buulo-xuubey ee dhanka Airportiga oo ka ag dhow guryaha iyo xarumaha murashaxiinta iyo mucaaradka dowladda.
Xirnaanshiyaha jidadka ayaa saameyn ku yeeshay ganacsiga Maka Al-mukarama, dadka ka shaqeeya Airporiga iyo xaafadaha u dhow.