Heemaal News Network
somali

Dhabada Tareenka Isku xira Itoobiya iyo Jabuuti Oo la Xiray.(Sawiro)

Dhalinyaro kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa jaray khadka tareenka isku xira dalalka Itoobiya iyo Jabuuti , kadib markii dhagxaan iyo biro u xireen qeybo kamid ah khadka ay maraan tareenada.

Masuuliyiin katirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijiyay in dhalinyaro ka careesan dagaalka ka socda Degmada Garba Ciise ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Canfarta xireen khadka tareenada ku socdaan.

Dowlad deegaanka Soomaalida ayaana ku guul dareestay in ay furaan khadka isku xira magaalada Adis Ababa iyo dalka Jabuuti , waxaana hakad la galiyay tareenadii inta badan wadadaasi isticmaali jiray.

Muuqaalo iyo sawirro baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinayay dhalinyaro careesan oo dhagxaan adag iyo biro ku jaray khadka tareenka, waxa ay sidoo kale fur fureen qeybo kamid ah biraha ku jira jidka tareenka.

Khadka tareen ee isku xira Jabuuti iyo Itoobiya ayaa muhiim u ah dalka Itoobiya aan laheyn wax dekad ah, waxaana inta badan tareenada lasoo saaraa alaabaha Itoobiya kala soo degto dekadaha Jabuuti.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Dalka ka Mamnuucday Shirkadaha Diyaaradaha ka Diiwaan Gashan Kenya.

Heemaall

Dowlada Somaliya Oo Qoraal Dhinaca Khilaafka Doorashada U Dirtay Golaha Amaanka Ee Q/M.

Heemaall

Trump Oo Dacwad kusoo Oogay Gabar Uu Adeer U yahay Iyo Wargeyska New Yourk Times

Heemaall