Jiir Abaal-marin Caalami ah ku Guulaystay.(Sawirro)

Jiir ama Dooli 7-sano jir ah oo laga qaaday dalka Tanzaaniya ayaa la gudoonsiiyay abaal marin caalami ah, kadib markii jiirkan loo adeegsaday baaritaanada miinooyinka iyo hubka aan qarxin ee dhulka ku aasan.

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa ku waramay in jiirkan oo lagu magacaabo Magawa loo adeegsaday in lagu baaro laguna soo saaro ilaa 39 miinooyin ah iyo 28 hub aan qarxin ah.

Hay’ad qaabilsan Xanaada Xoolaha oo xarunteeda tahay dalka Britain ayaa jiirkan oo lagu tilmaamay mid aan caadi aheyn gudoonsiisay bilad dahab si loogu abaal mariyo jiirkan oo gacan ka geestay in lasoo saaro miinooyin badan.

” Jiirkan geesiga ah oo Shaqadiisa aheyd badbaadinta nolosha gaar ahaan deegaanada uu kasoo saaray miinooyinka halista ah ee dalka Cambodia, ” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda PDSA.

Bilada Dahabka ah ee la siiyay Jiirkan laga kenay dalka Tanzaaniya ayaa lagu dul qoray Xayawaanka geesiga ah ee shaqada sida daacadda ah u qabtay, waxaana jiirkan abaal marinta helay lagu soo tababaray dalka Biljamka.

Madaxa fullinta ee ha’yadda Apopo, Christophe Cox oo jiirkan gacanta ku heysa ayaa si weyn usoo dhaweesay abaal marinta uu ku guuleestay jiirka ay gacanta ku hayaan, waxa uuna jiirkan tilmaamay in la baray baarista miinooyin iyo waxyaabo kale.

Jiirkan cajiibka ah ee helay abaalmarinta Dahabka ah ayaa loo tababaray in uu uriyo walxaha qarxa, wuxuuna si deg deg ah ku ogaanayaa goobta ay ku aasan tahay miinada, taas oo khuburada u fududeyneyso inay soo saaraan miinada.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy