Joe Biden ayaa ku guulaystay tartankii loogu jiray madaxtinimada Maraykanka oo waxa uu kaga adkaaday Donald Trump tirinta codadkii la dhiibtay Salaasadii.
Biden ayaa ku guulaystay gobolka loolanka adagi ka taagnaa ee Pennsylvania, waxaanay taasi u sahlaysaa inuu helo in ka badan 270-ka cod ee ergada gole-doorasho ee uu u baahan yahay si uu u hanto kursiga Aqalka Cad.
kooxda ololaha Trump ayaa sheegay in musharaxooda aanay u qorshaysnayn inuu aqbalo in laga badiyey.
Natiijada ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii u horeeyey ee muddo xileed keli ah dalka xukuma tan iyo sagaashanaadkii.