Joe Biden Oo Trump ku Tilmaamay Madaxweynihii Ugu Xumaa Ee soo Mara Taariikhda Maraykanka.

Madaxweyne Donald Trump iyo musharraxa doorashada kula loollamaya ee Joe Biden ayaa yeeshay dooddi ugu kululeed oo muddo sanadaha ah laba musharax oo aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo u tartameyso dhexmarta.

Labada nin oo ay wajiyadooda ka muuqatay xanaaq iyo caro, doodda ugu adag waxay ku dhexmartay arrima ay ka mid yihiin cudurka safmarka ee corona, dhaqaalaha, mudaharaadyada rabshadaha watay ee dalkaasi ka dhacay iyo arrima la xiriira qoysaskooda.

Doodda ka dhcaday Cleveland, Ohio ayaa ahayd dooddi ugu horreysay oo ka mid ah seddexda dood oo ay labada musharraxa yeelanayaan codbixinta doorashada ka hor.

Biden ayaa Trump ku tilmaamay inuu noqday Madaxweynihii ugu xumaa oo abid soo mara dalka Mareykanka, isagoo xusay in Trump uu astaan u noqday cunsuriyad iyo qalalaase siyaasadeed.

Aragti dhiibashada ay dadweynaha sameeyeen ayaa muujineysa in Mr Biden uu xoogaha uu uga sarreeyo Mr Trump,iyada oo ay doorashada ka harsan tahay 35 maalmood oo keli ah.

Doodda labada musharrax dhexmartay oo mararka qaar aflagaaddo iyo hadalla kulul ay isku dhaafsanayeen Mr Biden oo 77 jir ah, Mr Trump oo 74 jir ah wuxuu ku eedeeyey inuu cambaareyn cunsuriyadda dadka caddaanka ee aaminsan sarreynta midabka cadaanka isaga oo ugu yeeray Eyga Putin.

Sidoo kale Mr Trump ayaa soo bandhigay wiilka Mr Biden inuu daroogada isticmaalo, islamarkaana uu maalqabeen Ruushka u dhashay uu ka dhacay $3.5 malyan oo doolar.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy