Heemaal News Network

Jubbaland Iyo Puntland Oo Mowqif ka Qaatay Khilaafka Doorashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Maamulkaas oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn waxaa golahu uu falanqayn iyo dood dheer ka yeeshay Xaalada Siyaasada dalka iyo mudo xileedka Dowlada Federaalka ah ee dhamaaday iyadoo la isku raacay in Jubaland ay sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha Doorashada.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Puntland ayaa Maanta yeeshay Kulan uu guddoomiyey Madaxweyne Deni oo uu wehlinayay kuxigeenkiisa, waxaana todobaadkan looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

Related posts

Musharaxiinta UCID Ee M/Biixi U Xirnaa Oo Xaaladooda Caafimaad Laga Dayrinayo.

Heemaall

Borama:-Siyaasi Ramaax Iyo Barasaabka Awdal Tiinbaro Oo Fagaaro Isku Weeraray

Heemaall

Turkiga Oo Xabsiga Dhigay 11 Qof Oo Lala Xiriiriyay Basaasnimo.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More