Heemaal News Network

Jubbaland Oo Dalbatay in Farmaajo Laga Saaro Door Hanaanka Doorashada Uu ku Leeyahay.

War kasoo baxay dowlad goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland ayaa looga dalbaday Madaxweynaha uu waqtigiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu raaligalin ka bixiyo weerarkii lagu qaaday hoteelka ay deganaayeen labo Madaxweyne oo hore.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale dalbatay in la isugu yimaado shir ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadeed in goobta uu shirkaas ka dhacayo ay noqoto meel amnigeeda lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeedu lahaato Beesha Caalamka.

Warka ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in la helo damaanad qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas iyo in Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Related posts

Dawlada Somaliya Oo Mar kale ku Celisay Mowqifkeeda Go’aankii Guddiga IGAD Ee Dhex-dhexaadinta.

Heemaall

RW Rooble Oo Kormeer Hubin ah ku Sameeyay Shirkada Maamulsha Dekedda Muqdisho(Sawiro)

Heemaall

Hogaanka Tigrey Oo sii Daayay Kumanaan Askari Oo Ay Nolosha ku Qabteen

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More