Heemaal News Network
somali

Jubbaland Oo Mamnuucday Xidhashada Niqaabka

Ciidammada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale adkeeyay joojinta xirashada indhashareerka ( Niqaabka), Arrintaan ayay sheegeen in ay ciidammadu uga goleeyihiin adkeynta amniga maaddaama dadka falalka amni darro geysta ay isticmaali karaan.

Ciidamada Booliska ka howlgalla Magaalada Kismaayo ayaa bilaabay howlgallo Haweenka looga qaadayo Indha-Shareerka oo si caadi ah Haweenka u wataan, iyaga oo sidoo kale u sheegayay in la joojhiyay.

Taliyaha ciidammada Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laga bilaabo maanta la adkeeyay joojinta xirashada Indhashareerka si loo adkeeyo amniga guud ee shacabka.

Waxaa uu uga digay haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo inay u hoggaansami waayaan amarka Booliska, isaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Dhowr sanno ka hor ayay ahayd markii amar kasoo baxay Jubbaland lagu mamnuucay xirashada indhashareerka xiligaas oo dhowr jeer la qabtay rag xiran indha-shareerka, kuwaas oo doonayay inay magaalada Kismaayo ka geystaan falal amni darro.

Related posts

Somaliland iyo Kenya Oo kawada Shaqaynaya Xidhiidh Ganacsi Oo ay Yeeshaan.

Heemaall

Madaxweyne Laftagareen Oo Qaabilay Wafdi ka Socday Beesha Caalamka.(Sawiro)

Heemaall

Kenneth Roth Oo Isna Wax Ka Sheegay Farmaajo “Wuxuu Ku Dayanayaa Afewarki”

Heemaal