Heemaal News Network
somali

Jubbaland Oo Sheegtay inay Dada U Xir-xirtay Qarixii Lagu Laayay Ciyaartooyda

Madaxweyne ku xageenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada Maamulkaas.

Ugu horayn Shirka ayaa lagaga hadlay arimaha amaanka iyo xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada Jubaland iyadoo Wasaarada amniga laga dhagaystay faah faahin ku saabsan qaraxii dhawaan lala beegsaday baska kooxda kubada cagta JCCI halkaas oo khasaare uu ka dhashay, waxaana Wasaarada amniga iyo hay’adaha amaanku ay sheegeen in wali baaritaan uu socda isla markaana ay jiraan dad loo qabqabtay falkaas.

Wasaarada Maaliyada ayaa soo gudbisay xeerka isbadalka sharciga qoondad Wasaarada maaliyada taas oo golahu ay falanqayn kadib dib ugu soo celin doonan fadhiyada danbe.

Dhinaca kale Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa golaha la wadaagtay sidii gurmadka ay ugu samaysay ciyaartooydii waxyeeladu kasoo gaartay mashaqadii ay ku waxyeeloobeen qaar kamid ah ciyaartooyda kooxda JCCI iyadoo wasaaradu ay sheegtay in sidoo la daah furay tartanka horyaalka kooxaha kubada cagta Jubaland oo si habsi leh u socda.

Wasaarada waxbarashadana waxaa ay soo gudbisay sida ay qeyb uga tahay heshiiska hormarinta waxbarashada ee Soomaaliya iyo Maraykanka kaas oo dib loogu habaynayo adeegyada waxbarashada Soomaaliya isla markana diirada la saarayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga.

Related posts

M/kuxigeenka Saylici Oo Tababar U Furay Golayaasha Degaanka Somaliland.

Heemaall

Cumar Cabdirashiid Oo ka Digey In Burbur ku Yimaada Shirka Arimaha Doorashada.

Heemaall

Emmanuel Macron Oo Badalay Telefoonkiisii Gacanta Weerar Lagu Qaaday Kadib

Heemaal