Heemaal News Network
cayaaraha

Kalabadh Cayaartoydii Liverpool Oo Dhaawac Ku Maqan Iyo Cayaarta Maanta Oo Aan La Hubin

Liverpool ayaan wali si rasmi ah u shaacinin in uu seegayo ciyaarta, hase yeeshee waxay xaqiijisay dhaawaciisa oo muruqa kasoo gaadhay shalay xilli ay isku diyaarinayeen kulanka adag ee Manchester City ay galabnimada Axadda ku martigelinayaan Anfield.

Jurgen Klopp ayay saddex ciyaartoy oo muhiim ah kaga dhaawacmeen kulankii Arsenal ee ay guul-darraduna kasoo gaadhay ee Emirates Stadium. Labada difaac ee Trent Alexander-Arnold iyo Joel Matip oo waqtigii nasashada baxay ayaa min saddex toddobaad maqnaanaya, halka Luis Diaz oo qaybta hore oo socota baxay uu isaguna muddo laba toddobaad ah jiifi doono.

Iyadoo saddexdan dhaawac ay kala daadiyeen qorshihii Jurgen Klopp ee xilli ciyaareedka, waxa haddana shalay uu indhihiisa ku arkayay laacib uu qorshaynayay inuu kusoo bilaabo ciyaarta Manchester City oo isaguna ku dhaawacmay tababarka, kaas oo waliba ay doonayeen inay ka faa’iidaystaan xawaaraha orodkiisa iyo awooddiisa jidheed.

Difaaca reer France ee Ibrahima Konate ayaa la xaqiijiyey in uu shalay dhaawac kasoo gaadhay muruqa, waxaana laga war sugayaa dhakhaatiirta kooxda oo gacanta ku haya daaweyntiisa, balse warbaahinta taageerta Liverpool sheegayaan in inkasta oo dhaawaciisu fudud yahay aan haddana la hubin in uu ciyaari doono.

23 jirkan oo kasoo laabtay dhaawac jilibka ahaa oo soo gaadhay xagaagii oo uu muddo laba bilood ah u jiifay ayaa toddobaadkii ugu dambeeyey si fiican tababarka ula qaadanayay ciyaartoyda, illaa shalay uu dhaawac kale soo gaadhay.

Jurgen Klopp ayaa uu qorshihiisu ahaa in Ibrahima Konate uu difaaca dhexe kala ciyaaro Virgil van Dijk oo uu la xidho Erling Haaland oo adeegsada xoog iyo orod badan, waxaase hadda isbeddel ku imanayaa qorshahaas iyadoo uu saacadaha ka hadhsan waqtiga ciyaartu bilaabmayso uu Klopp fahamsiin doono xeeladda ciyaarta laacibka uu u xulanayo difaaca midig maadaama Joe Gomez uu difaaca dhexe iman doono oo uu ka garab ciyaari doono Virgil van Dijk.

Dookhyada kale ee uu Klopp haysto waxa ka mid ah in James Milner uu ka ciyaaro difaaca midig, amba Nat Phillips uu muddo dheer kaddib kusoo bilowdo difaaca dhexe oo uu Gomez ka ciyaaro difaaca midig ee uu ka dhaawacan yahay Alexander-Arnold. Haddii ay xaaladdu sii adkaato, waxa uu Klopp difaaca dhexe ka ciyaarsiin karaa Fabinho, inkasta oo aanay kooxdoodu ku haysanin kubbad-burburiye sidii laacibka reer Brazil oo kale u ilaalin kara difaacyahannada.

Related posts

Saalax Oo Diiday In Liverpool Daawayso

Heemaal

Dal Afrikaan Ah Oo Shaqo U Soo Bandhigay Tababare Jose Mourinho

Heemaal

Dhakhaatiir Loo Maxkamadaynaayo Dhimashadii Maradoona

Heemaal