Heemaal News Network

“Kenya Dhaqaalahoodii Iyo Dhiigoodii Ayey nala Garab Taagan Yihiin” Jubbaland Oo Difaacday Kenya

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlayey Ururada Bulshada rayidka ah ee Jubaland ayaa ku dheeraaday xaalada Gobolka Gedo iyo faragalinta ay ku heyso Dowlada Dhaxe sida uu sheegay.

Waxaa uu sheegay in doorasho aysan ka dhaceynin gobolka Gedo inta laga saarayo ciidamada DF ay keentay gobolkaas, laguna soo celinayo gacanta maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhaliilay talaabadii DF ku ceyrisay danjiraha Kenya, isagoo xusay in dowlada Kenya ay garab istaagtay Qaranimada Soomaaliya, isagoo Dowlada Dhaxe ku eedeeyey inay dooneyso iska hor keenka shacabka walaalaha ah ee labada Dal iyadoo ka faa’iideysaneysa doorashooyinka ku soo wajahan dalka

“Kenya dhaqaalahoodii iyo dhiigoodii ayey nala garab taagan yihiin in Somalia ay Dowladnimadeeda hanato, Argagaxisada dadka la tacaalaya ayey qayb ka yihiin, Kenya ciidankeeda Soomaaliya ayuu kula difaacayaa xarunta laga maamulana waa Xalane Muqdisho ayeyna ku taala, horta Xalane kasoo bixi, Xuduuda annaga ayey inoo furan tahay 25,000 oo arday ayaa Mandheera wax ka barata oo Baladxaawa ka tagta’’ ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland.

Related posts

Biixi Oo Ku Biiray Kooxda Uhuru U Isticmaalay Dagaalka Df Kana Dagay Nayroobi

Heemaal

Golaha Wasiirada Biixi Oo ka Dooday Hoos U Dhaca ku Yimid Dhaqaalaha Somaliland.

Heemaall

Cabdi Xaashi Oo Isku Dhex Yaacay Iskuna Qasay Shakhsiyadiisa Iyo Xilka Uu Hayo

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More