Kenya:- Maxkamad Xukun Adag ku Riday Nin Kufsaday Gabar 1-sano Jir ah Oo Uu Hooyadeed Qabay.

Maxkamad kutaala magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa xukun dheer oo xabsi ah ku riday nin dhalinyaro ah oo lagu helay in uu kufsi u geestay gabar hal sano jir ah.

Xaakimka Maxkamada ayaa sheegay in nin 20-sano jir ah uu kufsaday gabar yar oo hal sano jir aheyd oo ay dhashay xaaska uu qabay ninkaasi, falkan kufsiga ayaana ka dhacay tuulada Dheerqalle, oo ka tirsan deegaanka Banisa.

Kimani Mukabi , oo ah Xaakimka Maxkamada ayaa sheegay in caddeymo lagu helay ninkan xukunka lagu riday kuwaas oo muujinaya inuu kufsaday gabadha yar, waxa uuna cadeeyay in ninkan ku kacay fal argagax leh oo aad looga naxo.

Xaaska ninka kufsiga geestay oo sidoo kale ah Hooyada dhashay gabadha yar ayaa sheegtay inay guriga ku sugneyd abbaarihii 8:pm ayna casho diyaarineysay, markii ay maqashay qeylada gabadheeda uu kufsaday ninkeeda.

” Waxaan maqlay ooyinta gabadheeda yar xili aan casho diyaarinayay, waxaana qolka ku jiray oo hurdayay gabadha yar , wiil sadex sano jir ah iyo ninkeega, markii aan galay guriga ayaan arkay dhiig ka daadanaya xubinta taranka ee gabadheeda, iyo ninkeeda oo suuliga sii galaya.” ayey tiri hooyada dhashay gabadha la kufsaday.

Maxkamada kutaala magaalada Mandheera ayaa ugu dambeyn 50-sano oo xabsi ah ku riday ninkan lagu helay in uu kufsi u geestay gabadha hal sano jirka aheyd uu hooyadeed qabay.

Kufsigan ayaana caro badan ka dhaliyay deegaankii uu ka dhacay, waxa ayna dadka deegaanka codsanayeen in mudo ah in ciqaab adag la marsiiyo ninkan kufsiga aragagax leh u geestay gabadha aadka u yareyd.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy