Kenya Oo Adkaysay Goobaha Looga Cabsi Qabo Weerarada Alshabaab.

Hay’adaha amniga kenya ayaa kordhiyay amaanka goobaha laga yaabo in ay bartilmaameed ka dhigtaan kooxda Al-shabaab.

Toddobo sano kahor maanta oo kale, koox katirsan Al-shabaab ayaa galay suuqa Westgate Shopping Mall oo kuyaal Westlands, Nairobi, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 70 qof ayna ku dhaawaceen 200 kale.

Kooxda weerarkaas ka dambeysay ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen markii ciidanka Kenya ay dib ula wareegeen suuqa. Balse, dadka reer Kenya ayaa weli qaarkood aaminsan in ay baxsadeen qaar kamid ah dambiilayaasha.

Hay’adaha amniga Kenya ayaa sheegay inay habeen iyo maalinba ka shaqeynayeen sidii ay u uga hortagi lahaayeen qorshayaasha ay kooxda Al-shabaab ku doonayso inay sameyso weerarada noocan oo kale ah.

Booliisku waxay rumeysan yihiin in kooxda Al-shabaab ah ay weli khatar weyn ku tahay meelaha ku teedsan xadka Soomaaliya, iyagoo xusay in bartilmaameedyada ay ka mid yihiin shaqaalaha amniga iyo sidoo kale gawaarida safarka ah ee maraya waddooyinka xadka iyo gobolka xeebta.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy