Kenya Oo Amartay In la Baaro Fadeexad lasoo Daristay Hay’adda Adeegga Caafimaadka Ee KEMSA

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Noordin Haji, ayaa amar ku bixiyay in la baaro $ 71 milyan oo ah “wax iibsasho aan caadi ahayn” oo ay la xiriirto coronavirus oo ay sameysay Hay’adda Adeegga Caafimaadka ee Kenya (KEMSA).

Shaqaalaha isbitaallada dhibaatada ugu badan la tacaalaya ee Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin si ay u muujiyaan waxa ay ku sheegeen dhaqamada fadeexada ah ee hay’adda, oo dawooyinka iyo qalabka caafimaad u iibisa isbitaallada guud ee dalka.

Saddax toddobaad ka hor, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday gudiga qaran ee Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) in ay baaraan qandaraasyada la siiyay shaqsiyaad saamayn leh, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, iyadoo aan la ixtiraamin shuruucda wax soo iibsiga dadweynaha.

Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa baaritaan uu sameeyey shaqada kaga hakiyey madaxa hay’adda KEMSA Jonah Manjari iyo agaasimaha waaxda sahayda Charles Juma.

Dhowr ganacsato reer Kenya ah ayaa horay loogu eedeeyay in ay sifo aan sharci aheyn ula baxeen lacag gaareysa $ 400 milyan oo hanti dowladeed ah taasi oo loogu talo-galay in lagu bixiyo qalabka caafimaad ee loo baahan yahay si loola tacaalo cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy