Heemaal News Network

Kenya Oo Aqbashay ka Qeyb-galka Dhageysiga Dacwadda Badda Ee Somaliya.

Xilli 15-ka bisha Maarso ee sanadkan 2021 loo ballansan yahay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya waxay ka hadashay inay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwaddaas iyo inkale.

Inkastoo dowladda Kenya aysan si rasmi ah uga hadlin mowqifkeeda ku aadan ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda ayaa haddana ilo katirsan dowladda Kenya waxay BBC-da u sheegeen in Kenya ay dhageysiga dacwadda badda ka qeybgeli doonta, ayna uga qeybgeli doonta qaab fogaan arag ah.

“Maadaama aynu katirsanahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, waan ku gowracanahay in aan ka qeybgalno oo aan u hogaansano amarka maxakamadda”, ayuu mas’uul katirsan dowladda Kenya.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ayaa 13-kii bishan gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Sida ku caddeyd qoraal ay maxkamdda u dirtay dowlada Soomaaliya xilligaas, dhageysiga dacwadda ayaa la billaabi doonaa 15-ka bisha March sida markii horeba qorshuhu ahaa.

“Ka dib markii ay maxkamaddu tixgelisay doodaha labada dhinac ay soo gudbiyeen ayaa waxay go’aansatay in jadwalka dhageysiga u sidiisii ahaado, wuxuuna billaabanayaa 15-ka march 2021”, ayaa lagu yiri qoraal ay maxkamaddu u dirtay dowladda Soomaaliya oo dacwaddan maxkmadda gaysay 7 sano ka hor.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay maxkamadda.

Related posts

Hogaamiyaha Aqlabiyada Ee Golaha Senate-ka Oo Ugu Dambeyn Aqbalay Guusha Biden

Heemaall

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Ka Hadlay Banaan-baxii Burco Iyo Ciyaarta Maanta

Heemaall

Madaxwayne Ku xigeenka Saylici i Wayn Loogu soo Dhaweeyay Magaalada Boorama.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More