Kenya Oo ka Hadashay Khasaaraha ka Dhashay Weerar Kooxda Alshabaab ku Qaaday Dugsiga Carabiya Ee Gobolka Waqooyi Bari.

koox la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa weerar ka fuliyay deegaanka Carabiya ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxayna halkaasi ku dileen sida la xaqiijiyay labo Macallimiin ka tirsan dugsiga sare ee deegaankaasi, iyaga oo sidoo kalana dab qabadsiiyay mid ka mid ah gur-yaha macalimiinta.

Ciidamada Booliiska dalka Kenya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in ragga toogashada geystay ee la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab islamarkaasina ay ka soo tallaabeen xadka dhinaca Soomaaliya, iyaga oo weeraray tuulada Carabiye oo ay ku dileen labada macallin.

Waardiyayaasha dugsiga ay weerareen kooxdan ayaa la sheegay in laga taagroonaaday, taasoo keentay in kooxda weerarka soo qaaday gudaha u gallaan dugsiga Carabiya.

“Markii ay gudaha u galeen dugsiga ama Iskuulka waxaa ay isticmaaleen Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo qoriga Baasuukaha, ayaa lagu yiri” qoraal ka soo baxay Booliiska.

Saraakiisha Booliiska ayaa intaa ku daray in ardeydii Iskuulka ku sugnaa aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin weerarka xalay ka dhacay dugsiga Carabiya.

Booliiska Kenya ayaa sheegay Inay ku raad joogaan Raggii weerarka soo qaaqday iyagoo markii danbe u tallaabay dhinaca Soomaaliya.