Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay sheegashada dowladda Soomaaliya ee ah in sababta dowladda Kenya u dalbatay dib u dhiggista la xiriirto sharci ahaanshaha dowladda hadda jirta ee Soomaaliya.
Ilo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, ayaa beeiniyay hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya iyaga oo sheegay in sababtu tahay cudurka Covid 19 oo sida ay hadalka u dhiggtay carqalad ku noqday u diyaargarowga Kenya kiiskan Maxkamada, taasoo keentay in mar kale ay dalbato in dib loo dhiggo
Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota.
Dawlada Kenya ayaa ujeedda dibu dhigta arrintan ay ku sheegeen laba qodab waa tan koowaade waa sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.
Kenya ayaa sidoo kale qodobka labaad ku sheegtay in garsoorka maxkamadda ku wargelisay in aysan dhageysiga dacwadda uga qeyb gali karin si rasmi ah, iyadoo ay jirto khatar dhinaca amniga ah oo waddanka ku imaan karta oo ku xiran natiijada kasoo baxda dacwadda la gudbiyay sanadkii 2014-kii.
Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Kenya uga gon leedahay arintan dhamaashiha muddo xileedka dowladda Soomaaliya oo ay dooneyso sida uu hadalka u dhiggay in ay uga faa’ideysato dib u dhiggista dacwadda.
Wuxuu sheegay in haddii mar kale uu dib u dhac ku yimaado dhageysiga dacwada 15ka Maarso taasoo la oran karo waa dhabar jab weyn oo ku dhacay cadaallada dunida.
Kenya ayaa marar badan oo hore sidan oo kale dalbatay in dib loo dhiggo dhageysiga kiiska taasoo ay aqbashay maxkamada, laakiin lama oga go’aanka ay mar kale ka qaadan doonto maxkamada ICJ dalabka uga yimid Kenya iyo diidmada Soomaaliya.