Heemaal News Network

Kenya Oo ku Dhawaaqday Inay Dal ku Galka Ufududaysay Dadka Somaliyeed.

Kenya ayaa wada qorshe dadka Soomaaliyeed ay ugu fududeyneyso fiisaha dalka ku galka, si loo horumariyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya iyo weliba isku socodka labada dal.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyneyso fududeynta fiisaha dalka ku galka dadka Soomaaliyeed ee dalkaas si buu yiri loo horumariyo isku socdka labada dal.

Macharia ayaa tilmaamay in xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan dhibaato ku noqon doonin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee u dhaxeeya labada dal.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau iyo wafdi la socda ayaa dhameystay booqasho 3 cisho qaadatay oo ku yimaadeen Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay madax ka tirsan DF.

Wafdiga Kenya ayaa madaxda Soomaalida kala hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin sidii loo fasixi lahaa qaadka laga soo dhoofiyo Kenya oo DF ay joojisay bilowgii sanadkan ka dib markii uu caalamka ku faafay cudurka Coronavirius, lamana oga go’aanka ay DF ka qaadatay dalabka wefdiga Kenya.

Related posts

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Oo ka Toobad keenta Gafkii Dhacay.

Heemaall

Maxkamad Xukun Adag ku Riday Nin Dilay Muwaadin Soomaali-Mareykan ah.

Heemaall

Komishanka Oo Shaaciyay Waqtiga Rasmiga ah Ee la Bilaabayo Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Somaliland

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More