Heemaal News Network
Soomaaliya

Kenya Oo Maanta Musaafurisay Shaqaale U Dhashay Dalka Shiinaha.(Sawiro)

Dowladda Kenya ayaa maanta musaafursey Afar qof oo kasoo jeeda dalka Shiinaha, kuwaasoo lagu eedeeyay nin Kenyan ah ku dhex garaacay Maqaaxi ay ka Shaqeynayeen oo ku taalla Xaafadda Kileleshwa ee Xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Amarka dadkan lagu musaafuriyey ayaa waxa bixiyey Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi,kadib markii dhawaan Warbaahinta dalkaasi ay baahisay muuqaal laga dhex arkaya mid ka mid ah howlwadeenada maqaaxidaas oo garaacaya shaqaale Kenyaan ah.

Maamulka Maqaaxiyda ayaa intaasi kadib waxa ay wajaheen Maxkamad,iyada oo muddo 15 Cisho ah loo qabtey in kiiskaasi lagu soo baaro.

Booliska Kenya Xubno kamid ah ayaa sheegay in Garaacista Ninkan ka sokow ay horay u jireen garaacis kale oo ay la kulmeen qaar kamid ah Shaqaalaha Maqaaxida.

Safiirka dowladda Shiinaha e dalka Kenya , Wu Peng ayaa si kulul u cambaareeyay falka uu ku kacay eedeysanaha Shiineeska ah,waxaana uu sheegay inay waajib ku tahay muwaadiniinta Shiinaha ee ku nool Kenya iay Sharciga u hogaansamaan.

Muwaadiniinta u dhashay Shiinaha ee dalka Kenya laga musaafuriyey ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Deng Hailan oo muuqaalka ka soo dhexmuuqday isagoo jirdil gaysanaya , Chang Yueping iyo Ou Qiang oo lagu eedeynaya inay haystaan dal ku gal waqtigiisu dhacay, iyo Yu Ling oo dowladda ay sheegtay inuunan haysan oggolaanshaha shaqo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More