Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa fariin ay ku baahisay barteeda twitter-ka ku qaladay magaca madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, oo madaxweyne ka ahaa 2002 illaa 2010, iyagoo magaciisa ku sheegay Kahin Riyale Kahin.
Mr Biixi iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Nairobi, waxaana sidoo kale inta ay Kenya ku sugan yihiin kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan.