Heemaal News Network

Kenya Oo Si Rasmi Ah Uga Hadashay Xiriirka Loo Jaray

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay inaysan weli Soomaaliya ka helin xiriir rasmi ah oo ku saabsan go’aan la xiriira inay dalkiisa usoo dirtay safiirkii Kenya ee Muqdisho, Lucas Tumbo.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in si kastaba, ay ka war-heshay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo ay ugu yeeratay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi, islamarkaana dalkiisa ugu soo dirtay midkii Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay si qoto dheer ugu xun tahay ficillada dowladda Soomaaliya, ay dalkiisa ugu soo dirtay safiir Lucas Tumbo, kuwaasi oo ay ku sheegtay “kuwa nasiib darro ah.”

“Ficilkan waxaa loo sababeeyey eedeymo aan la xaqiijin, oo ku saabsan ‘faro-gelin Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ixtiraameysa mabaad’ida caalamiga ah, aaya-ka-tashiga, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in go’aanka lagu eryey safiirka Kenya ay qaadatay “iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kadib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland.”

Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe “ku cadaadinayso innuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.”

Related posts

Meydka Gabar Yar Oo la Kufsaday Kadib-na la Gawracay Oo Laga Helay Duleedka Cabudwaaq

Heemaall

Musharaxiinta Mucaaridka Somaliya Oo Kulan la Leh Safiirada Dowladaha C6+.

Heemaall

Kenya Oo ku Gacan-sayrtay Hadal Uu Barasab Rooba ku Sheegay In Alshabaab Maamusho Gobolka Waqooyi Bari.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More