Heemaal News Network
somali

Khasaaraha 13 Oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Galbeedka Kenya.

13 qof ayaa ku dhintay, ugu yaraan 31 kale-na waxa soo gaaray dhaawacyo gubasho ka dib markii booyad shidaal ay ku qaraxday galbeedka Kenya, sida ay warisay Al jazeera.

Gaariga shidaalka waday ayaa ku dhacay gaari kale taasi oo sababtay in shilkan uu halkaa ka dhaco, isaga oo ka dhacay meel u dhow magaalada Malanga, oo qiyaastii 315km waqooyi-galbeed ka xigta Nairobi.

Wadadaan ayaa ah mid aad u mashquul badan maadaama ay isku xirto wadamada Kenya iyo Uganda.

Charles Chacha, oo ah taliye booliis maxalli ah oo ka tirsan Gobolka Siaya oo ah halka uu shilku ka dhacay, ayaa yidhi, “Waxaan tiriyey laba iyo toban meyd ah goobta. Qof kale ayaa ugu dhintay isbitaalka dhaawac.

Kooxaha dab damiska ayaa goobta yimid labo saacadood kadib si ay u damiyaan dabka, halka kuwa ku dhaawacmay qaraxa loola cararay isbitaalka.

“Qaar kale oo badan ayaa loo qaaday isbitaal iyaga oo aad u gubtay, waxaana ku jira caruur yaryar,” ayuu yiri Chacha.

Sawirro ay baahisay warbaahinta Kenya ayaa muujinayay booyada oo holcaysa, iyada oo dad badan ay goobta soo gaareen.

Shilalka gawaarida ee waddooyinka halista ah kuma cusba Kenya iyo gobolka Bariga Afrika oo dhan.

Related posts

Rooble Oo Ku Ceshay Cabdi Xaashi Warqad Been Abuur Ah

Heemaal

Qatar Oo Beenisay Hadal kasoo Yeeray Safiirkii Hore Ee Maraykanka Somaliya U Joogay.

Heemaall

Shiinaha Oo Talaal Uu Sameeyey Maanta Keenaya Muqdisho

Heemaal