Heemaal News Network
somali

Khasaaraha Bambo Gacmeed lala Beegsaday Ciidamada Somaliland Ee Laascaanood

Hal askari ayaa ku dhintay tiro kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay, kadib markii weerar bambo gacmeed loo adeegsaday lala eegtay askar ka tirsan ciidamada Somaliland ee Laascaanood ku sugan.

Askariga dhintay oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Jaamac, ayaa u geeriyooday dhaawac isaga iyo ugu yaraan 3 askari oo kale kasoo gaadhay weerarka bambo gacmeedka loo adeegsaday oo lala beegsaday xili ay ku sugnaayeen magaalada Laascaanood.

Jaamac ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Burco, dhinaca kale xukuumada Somaliland wax war ah kama soo saarin weerarka lala beegsaday askarta, lamana oga in la qabtay cidii weerarka gaysatay iyo in kale.

Kooxo hubaysan oo ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo aqoonsan, ayaa magaalada Laascaanood ka gaysta weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, weeraradaas oo sannadihii u danbeeyay ay ku nafwaayeen, ciidamo, saraakiil dowladeed iyo dad shacab ah oo badan.

Hadaba, xukuumada Somaliland oo qaaday ollole ay ku adkaynayso nabadgalyada magaaladan, ayaan ilaa hada xal buuxa u helin wax ka qabashada amaandarada.

Related posts

Faah-faahinta Qarax Khasaaro Geestay Oo ka Dhacay Baledweyne

Heemaall

Safiirka Ingiriiska Ee Somaliya Oo la Kulantay Wariyayaashii Xabsiga Laga soo Daayay.

Heemaall

Dhacdo Naxdin leh:-Afar Nin Oo Walaalo ah Oo Hal Goob ku Dhintay

Heemaall