Heemaal News Network
somali

Khasaaraha Dab ka kacay Suuqa Boosaaso Oo Kordhay.(Sawiro)

Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari , ayuu qabsadey xaley dab weyn, kaasoo ka dhashey korontada.

Dabka wuxuu si gaar ahaaneed u qabsadey qeybta Bagaashka, iyadoo waxyeello uu u geystay afar guri oo waa weyn.

Meheradaha ayaa ku dhex yaalla dhismayaashan waa weyn, uu dabku khasaaraha gaarsiiyey, waxey gaarayaan illaa lixdan.

Ma jirto illaa iyo haatan sida wararku sheegayaan dhimasho iyo dhaawac ka dhashey dabkan. Dabkan ayaa socdey muddo gaareysa illaa iyo laba saacadood.

Dabkan ayaa kacey xaley, iyadoo illaa iyo haatan aan la qiyaasi Karin waxyeeladda inta ay la’eg tahay.

Goobta ay waxyeelladu ka dhacdey ayaa gaareysa masaafo dhan illaa iyo 500m. Suuqa balaciisa ayaa gaaraya illaa iyo 4km.

Related posts

Dagaal Loogu Jiro Gacan ku Heynta Gobolka Marib Ee Yemen Oo Xoogeystay.(Sawiro)

Heemaall

Booliska Oo ka Hadlay Macalin Dugsi Quraan Oo Xaaskiisu Sun ku Dishay.

Heemaall

Midawga Musariixiinta Oo RW Rooble Xujeeyay

Heemaall