Heemaal News Network
somali

Khasaaraha ka Dhashay Dagaalkii Guriceel Oo la Shaaciyay.

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 40 ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal magaalda Guriceel saakay ka qarxay oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo ciidamada Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Saraakiil ay VOA la hadashay oo khasaaraha dagaalka aan ka soo xigannay ayaa sheegay in dhimashadu ay u badan tahay askarta dhinacyaddii dagaalamay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaase sheegay in dhinaca ciidamada dowladda ay dagaalka kaga dhinteen saddex askari, dhowr iyo toba kalena ay uga dhaawacmeen.

Waxa uu dagaalka ka sheegtay guulo iyo in ay magaalada gacanta ku hayaan oo meel duleedka ah sida uu hadalka u dhigay ay ciidamada Ahlu Sunna rasaas weli ka soo ridayaan.

Dadka dagaalka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug, iyo askar kale oo ka tirsan ciidamada, sida ilo kala duwan u xaqiijiyeen VOA.

Laakiin, goob joogayaal ku sugan magaalada oo ay VOA la hadashay caawa ayaa sheegay in aaney jirin cid weli magaalada si buuxda gacanta ugu heysa, laakiin ciidamada dowladdu ay dagaalkii maanta kula wareegeen saldhigga degmada, Xarunta Gobolka iyo goobo kale.

Related posts

Wadahadaladii Ruushka & Ukraine Ee Maanta Oo Rajo & Natiijo La’aan Ku Dhamaaday

Heemaall

Booliiska Sacuudiga Oo Bilaabay Olole ka Dhan ah Dadka Itoobiyaanka ah

Heemaall

Somaliya iyo Shiinaha Oo ku Heshiiyay Iskaashi Dhinacyo Badan.(Sawiro)

Heemaall