Heemaal News Network
somali

Khasaare ka dhashay weerar bambaano oo xalay lagu qaaday degmada Janaale

Waxaa xalay weerar bambo gacmeed lagu qaaday bar kontrool oo ku taala Janaale, waxaana ka dhashay khasaare dhimasha wiil yar oo labbo iyo toban jir ah iyo askari waardiye ahaa, waxaana goor dambe meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarka, kadib ay howl-gal qaadeen ciidamada dowladda, isla-markaana ay dileen nin lagu tuhmayo weerarka, kaas oo la sheegay inuu caan ka ahaan Janaale, isla-markaana marar badan lagu xiray saldhigga deegaankaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, hayeeshee ciidamada Xoogga dalka ayaa isku fidiyey agagaarka deegaanka Janaale, kadib weerarka xalay lagu soo qaaday deegaankaasi.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen weerarka iyo howl-galka xigay.
Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo beegsado xarumaha ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.

Related posts

Burcad Afduubatay Muwaadiniin Mareykan ah Oo Dalbatay Lacag Dhan $17 Milyan.

Heemaall

Puntland Oo Amartay In la Toogto Ganacsatada Lacagta Siisa Alshabaab

Heemaall

Shiikh Shariif Oo la Kulmay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.(Sawiro)

Heemaall